haraati1 Nooc ka mid ah warmaha waaweyn. haraati2 Si xoog leh oo cagta wax loogu dhufto. ld harraati¹. haraati3 Si xoog leh cagta wax ugu dhufasho. ld harraati². haraatiggeelle Kobajaa.
haraatin ld haraatiyid.
haraatiyid haraati³. ld haraatin, harraatin, harraatiyid.
harac Hoos weyn oo qabow oo ay geedaha waaweyni yeeshaan.
harag Maqaar nafleyda oogada kore uga rogan.
haragmaqaar Harag si gaar ah loo tolay oo nafleyda irmaan oo ay ilmuhu ka dhinteen lagu godliyo; gandool.
haragwaxar Maqaarka waxaraha oo inta la qalajiyey laysku tolay, oo gogol ahaan loo isticmaalo.
haram (xis.) Muuqaal adke ah.
haramayn eeg haramee.
haramcad Naasley duur joog ah, hilib ku nool ah, oo laga helo Afrika, una eg shabeel, laakiin ka jurmi weyn. ld haramcas.
haramcas ld haramcad.
harame Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. ld harammo.
haramee 1. Beer caws xun ka gurid. 2. Wax nijaasayn.
harammo Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. ld harame.
haran Wax nijaaso leh.
harar1 ld harrar¹. harar2 ld harrar². harari Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
harati ld hardi².
haratin ld hardiyid.
harayn ld harin.
haraysan Meel hoos leh ahaansho.
haraysnaan eeg haraysan. ld haraysnaansho.
haraysnaansho ld haraysnaan.
harbi Wax biyo ku dhex jira horay u riixid.
harbin eeg harbi. ld harbis.
harbis ld harbin.
page : 36 of 93
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>