qarash 1. Macdan jilicsan oo weelasha iwm laga sameeyo. 2. ld kharash.
qarashayeysan ld qarasheysan.
qarashayeysnaan ld qarasheysnaan.
qarashayeysnaansho ld qarasheysnaan.
qarashee Bakoorad, jeedal iwm qarash ku samayn. ld qarashyee.
qarasheyn eeg qarashee. ld qarashyeyn.
qarasheysan Bakoorad, jeedal iwm oo qarash lagu sameeyey ahaansho. ld qarashayeysan.
qarasheysnaan eeg qarasheysan. ld qarashayeysnaan, qarasayeysnaansho.
qarasheysnaansho ld qarasheysnaan.
qarashyee ld qarashee.
qarashyeyn ld qarasheyn.
qarasoobid eeg qarasow.
qarasow Wax qaras qaaday noqosho.
qaraw1 Hadal iyadoo la hurdo lagu hadlo. qaraw2 1. Riyo dhexdeed hadal la maqlayo ku dhawaaqid. 2. Xanuun la tarsaasiyid (qof). qarax1 1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn. qarax2 Wax, qarax sameyn. qarayn eeg qaree. ld qirayn.
qarbad ld qarbed.
qarbaqarbee Wax si degdegsiinyo ah u samayn.
qarbaqarbeyn eeg qarbaqarbee.
qarbaqarbo Degdeg.
qarbed 1. Harag cukad ah oo loo farsameeyey in biyaha lagu shubto. 2. Weel maro adag ka sameysan oo biyaha lagu shubto. ld qarbad.
qarbidix1 Tolmada ugu dambeysa ee weel afkiisa lagu sameeyo; rigrigo. qarbidix2 Weel rigrig afka kaga tolid. qarbidxan Wax qar bidix lagu tolay ahaansho (weel).
qarbidxanaan eeg qarbidxan. ld qarbidxanaansho.
qarbidxanaansho ld qarbidxanaan.
qarbidxasho eeg qarbidxo.
qarbidxid eeg qarbidix².
page : 36 of 86
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>