Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
xeydo   Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho.
xeyraxagato   Xasharaad yaryar oo hargaha iwm. dufanka ka cuna.
xiddaayad  ld xiddo.
xiddayn  eeg xiddee.
xiddaysad  ld xiddaysasho.
xiddaysan   Wax xiddo loo yeelay ahaansho.
xiddaysasho  ld xiddaysad, xiddaysi.
xiddaysi  ld xiddaysasho.
xiddaysnaan  eeg xiddaysan. ld xiddaysnaansho.
xiddaysnaansho  ld xiddaysnaan.
xiddee   Dhar iwm xiddo u yeelid.
xiddig1  1. Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko. 2. (riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili-mada, riwaayadaha iwm. 3. Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda. 4. Nasiib. xiddig2   1. Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko. 2. (riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha. 3. Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo. xiddig cirif  (c.fal.) Xiddigta laga arko kugta cirifka woqooyi, ee sidaas, lagu calaamadaysto woqooyiga runta ah ee meeshii laga arki karo ee dhulka oogadiisa, sida, kubbad-badka woqooyi.
xiddigasheeg   Qof xiddigaha wax ka yaqaan oo ka faaliya. ld xiddigiye.
xiddigdhul  Bahal yar oo wada qodax ah.
xiddigi   Xiddigo ka faalin.
xiddigin  eeg xiddigi. ld xiddigis.
xiddigis  ld cilmifeleg, xiddigin.
xiddigiye   Qofka xiddi-gaha wax ka sheega ama faaliya; xiddi-gasheeg.
xiddigle   Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
xiddo   Dun midabyo badan oo si gaar ah loo farsameeyey oo si ayan u tifmin dacallada maryaha looga tolo oo qurux loogu tala galay.
xidh yar  (bot.) Geedaaley yar oo har leh; geedo isku urursan oo ku yaal meel gaar oo bannaan.
xidhiidhis  Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
xidid1   1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada. xidid2   (xis.) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya. xidid3   Xidid noqosho (dad). xidid-ciriirshe   (daaw.) Dawo keenta in xididdada dhiigga ay isku rooraanoo ay ciriirshaan socodka dhiigga.
xidid-dabciye   (daaw.) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.
xididbarar  (c.nafl.) Arooreyaal debca, dheeraada oo laallaabma.
page : 37 of 60
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>

 

Exit mobile version