Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: nadalo
dhaxalgelid eeg dhaxalgal². ld dhaxalgal¹ (2).
dhaxalsii Cid dhibaato aayatiinkeeda wax u dhinta badid.
dhaxalsiin eeg dhaxalsii.
dhaxaltooxo Wax dhaxal ah qaybinta. ld dhexaltooyo.
dhaxalwareeg (1) 1. Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iwm oo ka dhuma. 2. ld dhaxalwareegid.
dhaxalwareeg (2) Cid waxay dhaxal u lahayd dhumid.
dhaxalwareegid eeg dhaxalwareeg². ld dhaxalwareeg¹ (2).
dhaxalwareeji Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin.
dhaxalwareejin eeg dhaxalwareeji.
dhaxamaysan Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley).
dhaxamaysii Nafley qarqaryood.
dhaxamaysiin eeg dhaxamaysii.
dhaxamaysnaan eeg dhaxamaysan. ld dhaxamaysnaansho.
dhaxamaysnaansho ld dhaxamays- naan.
dhaxamoo Dhaxan dareemid (nafley).
dhaxamood eeg dhaxamoo.
dhaxan 1. Qabow hawadu keento oo jirku dhibsado. 2. Duumo.
dhaxantir (1) 1. ld dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. ld dhaxantirid.
dhaxantir (2) Wax dhaxanta la isaga baabi'iyo.
dhaxantire ld dhaxantir¹ (1).
dhaxantirid eeg dhaxantir². ld dhaxantir¹ (2).
dhaxlan Wax la dhaxlay ahaansho.
dhaxlanaan eeg dhaxlan. ld dhaxlanaansho.
dhaxlanaansho ld dhaxlanaan.
dhaxlasho eeg dhaxlo.
dhaxle 1. Qof dhaxal helay. 2. Qof dhaxalka qaybiya.
dhaxlid eeg dhaxal².
dhaxlidda astaamaha Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.
dhaxlo Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.
dhaxsad ld dhaxsasho.
<< < 388 389 390 391 392 393 394 395 396 397 398 > >>

 

Exit mobile version