dhaxlo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-laday, -latay)

Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaxlo

taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.

dhaxlasho [m.f.dh]
eeg dhaxlo.

isir-u-dhaleen [m.l]
Ka dhaxlidda wax sida foolxumo, qurux, geesinnimo iwm laga dhaxlo awoowyaashi hore.

lagu-dhasho [m.l]
(daaw.) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.

sinji [m.l]
1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg