dhaxlid
(m.f.dh)eeg dhaxal².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaxlid ↴
dhaxlidda astaamaha [m.dh]
Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.
har [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Digo iwm meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iwm dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid.
hiddo-barasho tirada dadka [m.l]
(baay.) Barashada filiqsanaanta, dhaxlidda, kala duwananshaha koox noole ah oo isku sinji ah.
isir-u-dhaleen [m.l]
Ka dhaxlidda wax sida foolxumo, qurux, geesinnimo iwm laga dhaxlo awoowyaashi hore.