xaasidad Haweeney xaasid ah.
xaasidnimo Xaasid ahaansho.
xaasil Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.
xaasin eeg xaasi.
xaasoobid eeg xaasow.
xaasow 1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.
xaawalay Haween; dumar.
xaawi Qof socod cagajiid ah socosho.
xaawin eeg xaawi.
xaaxeeyo (c.nafl.) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.
xaaxi 1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.
xab1 1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado. xab2 (c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada. xab adag Walax xab oo kale ah.
xabaal1 ld xabaalid. xabaal2 Qabri. xabaal3 Wax aasid. xabaalan Wax la xabaalay ahaansho.
xabaalaqode Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.
xabaalaquf Qarandi; saddexsuulley.
xabaalasho eeg xabaalo².
xabaalbilaash Iilka maahane xabaasha inteeda kale.
xabaalfure Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
xabaalid eeg xabaal³. ld xabaal¹, xawaal¹.
xabaalnaan eeg xabaalan. ld xabaal-naansho.
xabaalnaansho ld xabaalnaan.
xabaalnololi Cid nool aasid.
xabaalnololin eeg xabaalnololi.
xabaalo1 1. Qubuuro. 2. eeg xabaal². xabaalo2 Wax dhulka ku aasasho.
page : 5 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>