khafiifis ld khafiifin.
khafiifnimo Khafiif ahaansho.
khafiifsan Wax maskaxdiisu wax u dhiman yahay ahaan-sho (qof).
khafiifsanaan eeg khafiifsan. ld khafiifsanaansho.
khafiifsanaansho ld khafiifsanaan.
khafiyad Garaangar yar oo wareegta oo leh meel xariggu galo, oo ceelka korkiisa suran, dalowgana lagu soo jiido.
khajal1 Xishood; asluub; asturnaan. ld khajil¹. khajal2 Dareen naxdin iyo xishood leh muujin. ld khajil². khajalid eeg khajal². ld khajilaad, khajilid.
khajil1 ld khajal¹. khajil2 ld khajal². khajilaad Dareen naxdin iyo xishood badan leh cid fagaara joogto ay muujiso. ld khajalid.
khajilid ld khajalid.
khal Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
khalaawo ld khilaawo.
khalaq Wax abuurid (Eebbe).
khalfad 1. Dariishad. 2. Khaanad.
khaliif1 1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto. khaliif2 (dii.) Khaliif ka dhigid. khaliifan (dii.) Qof la khaliifay ahaansho.
khaliifid eeg khaliif².
khaliifnaan eeg khaliifan. ld khaliif-naansho.
khaliifnaansho ld khaliifnaan.
khaliifnimo Khaliif ahaansho.
khalji1 Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iwm lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq. khalji2 Khalji wax ku dhisid. khaljiyid eeg khalji².
khalkhal1 1. Kh. ah: xasillooni darro qof ku dhacda cabsi, farax, naxdin iwm awgood. 2. Kh. ah: qalab xubno badan ka kooban oo adkaantii iyo is-haysashadii ka ba'do; kharraab. khalkhal2 1. Qof xasillooni-darro muujin. 2. Qalab kharraa-bid. khalkhal-birlabeed (c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
page : 41 of 73
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>