dhididsiin ld dhididin.
dhif 1. Nabsi. 2. Dh. ah: wax aan badanaa la arag ama la helin.
dhifad 1. Si kedis ah oo xoog badan wax u jiidid. 2. ld dhifasho. ld dhufad.
dhifasho eeg dhifo. ld dhifad, dhufad, dhufasho.
dhifato ld dafo.
dhifnimo Dhif ahaansho.
dhifo 1. (f.g) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidid. 2. (f.mg) Ku dh.: wax, wax la dhicid. 3. (f.mg) Ku dh.: maanso ku luqayn. 4. (f.mg) Isku dh.: laba tiro tarankooda soo saarid. 5. (f.mg) Carrabka ku dh.: wax soo hadal qaadid. ld dhufo.
dhifsad ld dhifsasho.
dhifsasho eeg dhifso. ld dhifsad, dhiftin, dhufsad, dhufsasho, dhuftin.
dhifso Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. ld dhufso.
dhiftin Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. ld dhifsasho.
dhig (1) Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
dhig (2) 1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
dhig (3) (juqr.) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
dhig (4) 1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
dhigaal (1) Wax meel la dhigto si waqti dambe loogu aayo (kayd).
dhigaal (2) (nax.) Habkastoo diiwaangeliya hawraar tiraab ah iyadoo la adeegsanayo qoraal.
dhigaali Wax kaydin.
dhigaalin eeg dhigaali.
dhigaalis Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
dhigad ld dhigasho.
dhigan (1) 1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.
dhigan (2) 1. Wax la qoray ahaansho. 2. U dh.: wax, wax la qiima ah ahaansho.
dhigasho eeg dhigo. ld dhigad.
dhigayn eeg dhigee.
dhigaysan Rati la raraayo wax dhiga loo yeelay ahaansho.
dhigaysnaan eeg dhigaysan. ld dhigaysnaansho.
dhigaysnaansho ld dhigaysnaan.
dhigdhexo 1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.
dhigdhig 1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).
<< < 408 409 410 411 412 413 414 415 416 417 418 > >>