dhigan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)

1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.

dhigan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

1. Wax la qoray ahaansho. 2. U dh.: wax, wax la qiima ah ahaansho.

Dhigane*

1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo qoraal ku qoran yahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, Garbad leh oo aan wax ku qorneyn.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhigan

raadyoosonde [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Qalab iskiis isu rikoorgareeya oo lagu isticmaalo mitroolojiga, badanaa cabbi-raadda cadaadiska sare, isaga oo wata laliye ku dhigan balloon haydrojiin ka buuxdo.

saaq [m.l]
1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.

taano [m.dh]
Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.

abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.

abboowe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.

bandhigan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax la bandhigay ahaansho (alaab).

basle [m.l]
1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. ld basleyn.

beesad [m.dh] (-do, m.l)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.

beestayn [m.l] (-nno, m.dh)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. ld beesteen.

beni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg