dhiiqoobid eeg dhiiqow.
dhiiqow Dhiiqo noqosho.
dhiiqsad ld dhiiqsasho.
dhiiqsasho eeg dhiiqso. ld dhiiqsad.
dhiiqsin In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.
dhiiqso Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.
dhiirfin Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
dhiirran Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley).
dhiirranaan eeg dhiirran. ld dhiirranaansho (2).
dhiirranaansho eeg dhiirranow. ld dhiirranaan.
dhiirranow Wax dhiirran noqosho (nafley).
dhiirrasho eeg dhiirro.
dhiirri (1) Cabsi la'aan; geesinnimo.
dhiirri (2) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
dhiirrigeli Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
dhiirriggelin eeg dhiirriggeli. ld dhiirriggelis.
dhiirriggelis ld dhiirrggelin.
dhiirrin eeg dhiirri².
dhiirro Arrin si geesinnimo leh u qaabbilid (qof).
dhiirtaxaniinyo ld dheertaxaniinyo.
dhiito 1. Neef geela oo cayilan. 2. Finan waaweyn oo dadka ka soo baxa.
dhijaan ld jidhaan.
dhikil (1) 1. (-lo, m.l) Haruub yar oo caanaha lagu maalo. 2. Nooc cawska ka mid ah.
dhikil (2) Dhiil yar oo carruurta caanaha loogu shubo.
dhil 1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.
dhilad ld dhilasho.
dhilan (1) 1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.
dhilan (2) 1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday ahaansho. 2. Diriqii laga bixiyey ahaansho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey ahaansho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay ahaansho si aanay isu gubin.
dhilasho eeg dhilo. ld dhilad.
dhildhil Wax finjilid.
<< < 414 415 416 417 418 419 420 421 422 423 424 > >>