Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
hawirmid  eeg hawiran¹.
hawirnaan  eeg hawiran². ld hawir-naansho.
hawirnaansho  ld hawirnaan.
hawkar  Dhibaato, daal, cabsi iwm oo lagala kulmo socdaal.
hawl1  Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay. hawl2  Waxqabad ujeeddo leh oo la adeegsanayo muruq, maskax iwm; shaqo. hawl3  1. Qof shaqo u yeelid. 2. Cid dhibaateyn. hawl-abuur  Hawl abuurid.
hawl-obtikeed  (fiis.) Awoodda ay u leeyihiin iskudhisyada qaarkood in ay ku wareegaan sallaxa ciriflanimada ee sallax ilays cirifaysan marka ilays la dhex mariyo. H.o.da waxaa laga arki karaa wiriqaha, neefaha, hoorarka iyo milannada.
hawlaysan  Qof shaqo haya ahaansho.
hawlaysnaan  eeg hawlaysan. ld hawlaysnaansho.
hawlaysnaansho  ld hawlaysnaan.
hawldabre  Qof ama wax shaqo curyaamiya.
hawldiid  Qof shaqo neceb. ld hawldiiddo, hawldiidid.
hawldiiddo  Necbaanta hawsha la necbaado. ld hawldiid.
hawldiidid  ld hawldiid.
hawldiidnimo  Hawldiid ahaansho.
hawlfududayn  1. Wax shaqada qabashadeeda sahla. 2. Wax la siiyo qof la rabo in uu shaqo qabto.
hawlgab1  H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. ld hawlgeb¹. hawlgab2  Gabow awgii shaqo uga fariisasho. hawlgabid  eeg hawlgab². ld hawlgebid.
hawlgacmeed  Shaqo gacmaha laga qabto.
hawlgal1  1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo. hawlgal2  1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid. hawlgebid  Si dhakhdo ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. ld hawlgabid.
hawlgeli  Shaqo gelin.
hawlgelid  eeg hawlgal².
hawlgelin  eeg hawlgeli. ld hawlgelis.
hawlgelis  ld hawlgelin.
hawlid  eeg hawl³.
page : 44 of 93
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>

 

Exit mobile version