danabaysnaansho ld danabaysnaan.
danabee Wax danab u yeelid.
danabneg (fiis.) Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.
danabnimo Danab ahaansho (qof).
danaboobid eeg danabow.
danabow Wax danab leh noqosho.
danaf 1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar.
danagax ld danaagax.
danan1 1. Cida fardaha. 2. ld dananid. danan2 1. Faras ciyid. 2. Dawan, lacag qaddaaddiic ah iwm sanqarid. dananid eeg danan². ld danan¹ (2).
danaq Nabar, boog iwm dhiig ama dheecan ka keenid. ld damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi.
danayn eeg danee.
danaysad ld danaysasho.
danaysan Wax wax kale lagu daray ahaansho.
danaysasho eeg danayso. ld danaysad, danaysi.
danaysi Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. ld danaysasho.
danaysnaan eeg danaysan. ld danaysnaansho.
danaysnaansho ld danaysnaan.
danayso Qof, dan u gaar ah fushasho.
danayste Qof dantiisa keliya ka fekera.
danbiil ld dambiil.
dandaami Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. ld daddaami.
dandaamin eeg dandaami. ld daddaamin.
dandaan Dhagax weyn.
dandaansad ld dandaansasho.
dandaansasho eeg dandaanso. ld daddaansad, daddaansasho, dandaansad.
dandaanso Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. ld daddaanso.
dandarrayn eeg dandarree.
dandarraysan Wax dandarro hayso ahaansho.
page : 46 of 218
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>