khasirid eeg khasir².
khasiyad Wax la qoonsado oo gardarro ah oo cid lagula kaco.
khasiyadayn eeg khasiyadee.
khasiyadee Cid khasiyad ku sameyn.
khasnad Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iwm lagu kaydiyo. ld qasnad.
khasnaji Qofka lacagta bixiya, khasnaddana furaheeda haya.
khasoobid eeg khasow.
khasow Fal xun oo aad sameysay dhibaatada ka timaadda dareemid.
khatal1 Been cid lagu khayaamayo. ld khataalad. khatal2 Cid been lagu khayaamayo u sheegid. khatalaad ld khatal¹.
khatalan1 Ismoodsiin iyo malahabaabid cid ku dhacda. khatalan2 Wax ismoodsiis iyo malahabow ku dhacay noqosho. khatalan3 Wax la khatalay ahaansho. khatalid eeg khatal².
khatalmid eeg khatalan².
khatalnaan eeg khatalan³. ld khatalnaansho.
khatalnaansho ld khatalnaan.
khatar 1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
khatif1 Habaabidda laga habaabo meel la mari lahaa. ld khaddif¹. khatif2 Marin ka habaabid. ld khaddif². khatifid eeg khatif². ld khaddifid.
khatifsan Wax habaabay ahaansho. ld khaddifsan.
khatifsanaan eeg khatifsan. ld khad-difsanaan, khaddifsanaansho, khatifsa-naansho.
khatifsanaansho ld khatifsanaan.
khatimid eeg khatin². ld khatin¹.
khatin1 1. Gabagabeynta iyo gunaanadka Quraan iyo duco la soo akhriyay. 2. ld khatimid. khatin2 Quraan iyo duco la akhriyay gunaanadid. khawaaf Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.
khawaafad Naag magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo waxay doon-taba sameysa.
page : 46 of 73
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>