qasilo Wasakh biyo iskaga nadiifin.
qasir ld qasri.
qaslad ld qasli.
qasli Dahaarad la'aanta ku dhacda qof galmo sameeyey ama junnuubay. ld qaslad.
qasmaansad ld qasmaansasho.
qasmaansasho eeg qasmaanso. ld qasmaansad, qasmaansi.
qasmaansi ld qasmaansasho.
qasmaanso Cid waxay nasiib u heshay ku qancid.
qasmid eeg qasan¹.
qasnaan eeg qasan². ld qasnaansho.
qasnaansho ld qasnaan.
qasri 1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iwm lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. ld qasir.
qaswade Qof rabshoole ah.
qataar (1) 1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada.
qataar (2) 1. Qori adag albaab hoos uga xirid. 2. Qof sixrid, iyadoo geed musmaar loogu taagayo.
qataaran (1) Irrid wax xirantay noqosho.
qataaran (2) 1. Irrid iwm wax la qataaray ahaansho. 2. Qof la sixray ahaansho.
qataarid eeg qataar².
qataarmid eeg qataaran¹.
qataarnaan eeg qaraaran². ld qataarnaansho.
qataarnaansho ld qataarnaan.
qatan 1. Nafley cunto ama cabid aan helin ahaansho. 2. Wax la qaybinayey cid aan wax ka helin ahaansho. ld qadsan.
qatanaan ld qadsanaan, qadsanaansho, qatanaansho.
qatanaansho eeg qatanow. ld qatanaan.
qatanow Cid wax ka qatan noqosho. ld qadsanow.
qataysii 1. Cid wax ka qadin. 2. Cid dhibaato iyo hagardaamo gaarsiin.
qataysiin eeg qataysii.
qatimi Xoolo in muddo ah biyo ka celin.
qatimid eeg qatin².
qatimin eeg qatimi. ld qatimis.
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>