Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gedmo
diirad (2) (nax.) Marka uu qof hadlayo, weer kastoo ka mid ah warkiisa waxaa ka mid ah qayb uu si gaar ah u danaynayo, sidaas darteed hadluhu wuxuu adeegsadaa summad (baa/ayaa, waa) u baaqda dhegeystaha qaybtaas.
diiradayn (nax.) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
diiradeeye (nax.) Qurubyada wax diiradeeya oo kala ah: “baa”/”ayaa”, “waa” (eeg qurub diiradeed).
diiran (1) Wax diirkii ka dhacay noqosho.
diiran (2) Wax la diiray ahaansho.
diirane (xis.) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .
diirane-koowaad (xis.) Fansaarka j = f(x) waa d. k. marka uu diiranihiisu yahay heerka koowaad, waxaana loo qoraa dy/dx ama f'(x).
diirasho eeg diiro.
diirdiir (1) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir (2) Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iwm. ld diir².
diirdiir-xariireed Nooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
diirdiirran Qof firfircoon ahaansho.
diirdiirranaan eeg diirdiirran. ld diirdiirranaansho.
diirdiirranaansho ld diirdiirranaan.
diirfin Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
diiri Wax in yar kululayn. ld diirri.
diirid eeg diir³. ld diiris.
diirin eeg diiri. ld diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
diirinle Shaqaalaha cuntada kariya ee haddana qeybiya; kaantunle.
diiris ld diirid.
diiris (1) ld diirin.
diiris (2) ld diirid.
diirmid eeg diiran¹.
diirnaan eeg diiran². ld diirnaansho.
diirnaansho ld diirnaan.
diirnax (1) Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.
diirnax (2) U d.: dareen raxmad leh cid u hayn.
diirnixid eeg diirnax².
diiro Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
diirran (1) Isir; dhalan.
<< < 449 450 451 452 453 454 455 456 457 458 459 > >>

 

Exit mobile version