Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
khawaafiin  eeg khawaaf.
khawaafsasho  eeg khawaafso.
khawaafso  Hanti la'aan awgeed dhibaato la kulmid.
khawaaji  K. ah: qof maalqabeen ah.
khawayiis  ld khawaysiin.
khawaysii  Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.
khawaysiin  eeg khawaysii. ld kha-waysiis.
khayaamayn  ld khayaanayn.
khayaamee  ld khayaanee.
khayaamid  ld khayaanid.
khayaan  Cid khayaano ku samayn.
khayaanalow  Qof dhagar badan.
khayaanayn  eeg khayaanee. ld khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
khayaanee  Cid khayaano ku samayn. ld khayaamee, khiyaamee, khiyaanee.
khayaanid  eeg khayaan. ld kha-yaamid.
khayaano  Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. ld khiyaamo, khiyaano.
khayli  Guntiino daliig madow darfaha ku leh oo waagii hore dumarku qaadan jireen.
khaymad  1. Aqal fudud oo kolna la dhiso, kolna la furfuro oo lala guuro. 2. Teendho; taanbuug.
khayr  Wax wanaag ku jira oo dhan.
khayraad  1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
khaysaraan  Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.
khibrad  Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. ld khibro.
khibro  ld khibrad.
khiddad  Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iwm.
khidmad  ld khidmo.
khidmee  Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.
khidmeyn  eeg khidmee.
khidmo  1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.
khidmo-shuruud  (dii.) Quraanka oo dhan ama qaarkiis oo qof jirran lagu dul akhriyo.
khilaaf1  Heshiis la'aan; is-afgaranwaa.
page : 47 of 73
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>

 

Exit mobile version