Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: raquus
dubnax (1) Naxariis; jixinjix.
dubnax (2) U d.: cid dhibaato haysato uga jixinjixid.
dubnixid eeg dubnax².
dubo Cunto raran ku bislaysasho.
dubudhac ld dibdhac1.
dubuq Cod lagu muujiyo wax biyo lagu dhaxriday. ld dumbulukh, dumbuluq.
ducaqabe Qof ducaysan.
ducasho ld docosho.
ducee Eebbe khayr ka dalbid.
duceyn eeg ducee.
duceysad ld duceysasho.
duceysan Qof duco ku dhacday ahaansho.
duceysasho eeg duceyso. ld duceysad, duceysi.
duceysi ld duceysasho.
duceysnaan eeg duceysan. ld du-ceysnaansho.
duceysnaansho ld duceysnaan.
duceyso 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.
ducfi Karti iyo itaaldarro.
duco (1) Oraah Eebbe khayr lagaga dalbayo.
duco (2) ld doco.
ducuumasho eeg ducuumo.
ducuumo Si fool xun wax u cunid.
dud (1) Baadiye, duur.
dud (2) Cid meel wada deggan.
dud (3) 1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.
dud (4) ld did.
duddo Ood ku wareegsan meel la degganyahay.
duddumagale Naasley dabaggaallaha la bah ah, laakiin wax yar ka roon, koox koox u socda, oo duddumooyinka gala; kadabjiir.
duddumo ld duddun.
duddumo-yulug Nooc duddumada ka mid ah oo aan lahayn sal ballaaran lehna fiiq dheer oo dhuuban. ld dundumo-yulug.
<< < 469 470 471 472 473 474 475 476 477 478 479 > >>

 

Exit mobile version