ekee 1. Xolo meel ku caashaqid. 2.(f.g) Labo wax ama ka badan wax isle'eg ka dhigid. 3. (f.mg) Ku e.: wax meel ku joojin. 4. (f.mg) Isu e.: wax qaabkiisa isu yeelid.
ekinokookas (baay.) Deriskunoole ka mid ah qaybta “Tapeworms” dhererkiisu gaaro 8 mm.
ekisrey (fiis.) Fallaaro elektaromagnee- tiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo- graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.
ekistarasistol (daaw.) Garaac wadne oo ka bilowdey meel ahayn halkuu caadi ahaan ka bilawanjiray, “Sinoatrial node”.
ekogaraafi (daaw.) Farsamada adeegsata mawjadaha ultarasawndiga ah si loo darso qaabka gudaha ee jirka.
ekokardiyogaraafi (daaw.) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.
ekow 1. Xoolo meel ku baahid. 2. Ku e.: meel ku sugnaan. 3. U e.: wax, wax kale muuqaalkiisa leh noqosho. 4. La e.: wax, wax kale la jin ah noqosho.
elegtroonig Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, combiyuutarka iwm. ld eletaaroonig, eletroonig.
elektarogardiyogaraam (EKG) (daaw.) (EKG) Ku qorista, shaqo koronteedka wadnaha warqad socota dusheed.
elektaroon (fiis.) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
elektaroon-kaaftoon (kiim.) Elektaroon dibedeedka atamka ee ka qayb gala samaynta dabarrada kiimikaad.
eletaaroonig ld elegtroonig.
eletroonig ld elegtroonig.
elji Goodir lab oo aad u da'weyn.
embolas (daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.
emen Meel jiq ah oo dhirtu ku badantahay kuna fiican ku dhuumashada, badanaana dugaagga aan laga waayin.
emfiseema (daaw.) Ereygu wuxu ka soo jeedaa gariig micnihiisuna waxa weeye “dabeyl gashay soohyada” waxaase loo isticmaalaa xaalad cudur gaar u ah sambabada taaso ay keentay jiidmadii iyo isku soo roorkii (elasticity) sambabada oo luntay. Waxa yaraada isdhaafshadii O2 iyo CO2 markas waxaa timaadda dhibaato neefsasho.
endoorfiino (baay.) Dareen-mootiye bebtoyd ah oo laga helo qanjidhka bituwitary iyo haybutalmaska, kaasi oo leh astaamaha kaar jebiyaha.
engeg1 Wax aan qoyanayn. engeg2 Wax qoyanaa qalalid. engegan Wax qalalay ahaansho.
engegid eeg engeg².
engegnaan eeg engegan. ld engeg- naansho.
engegnaansho ld engegnaan.
engegsad ld engegsasho.
engegsan Wax engegay ahaansho.
engegsanaan eeg engegsan. ld engegsanaansho.
engegsanaansho ld engegsanaan.
engegsasho eeg engegso. ld engegsad, engegsi.
engegsi ld engegsasho.
page : 6 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 >