Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
aqalgeli  ld aroosi.
aqalgelid  eeg aqalgal². ld aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
aqalgelin  ld aroosin.
aqalsoomaali  Aqal gembis ah, rarma, oo ka kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.
aqas  ld akhas.
aqasho  eeg aqo. ld caqasho.
aqbal1  Oggolaanshaha cidi yeesho wax la weyddiistay. ld aqbalid. aqbal2  Cid wax la weyddiistay yeelid. aqbalid  eeg aqbaal². ld aqbal¹.
aqbalsii  Cid inay wax oggolaato ku khasbid.
aqbalsiin  eeg aqbalsii.
aqbo  ld abqo.
aqi  Nafley gaajo iyo harraad badan badid. ld caqi.
aqin  eeg aqi. ld caqin.
aqlabiyad  Tirada dadka ee ka badan nuskooda.
aqli  ld caqli.
aqo  Nafley cunto iyo biyo la'aan dartood u wax yeelloobid. ld caqo.
aqoo  (yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tus. “Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.
aqood  eeg aqoo. ld aqoonsho.
aqool1  1. Waqtiga hawlmaalmeedka la dhammeeyo ee guryaha loo noqdo. 2. Sida cuntada loo qaybiyo. aqool2  1. (-lo, m.dh) Gooraha wax la cuno middood. 2. ld aqoolid. aqool3  1.(f.g) Dad badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad badan ka dhexeeya maamulid. 3. (f.mg) Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay guri u soo noqosho. aqoolan  Wax la aqoolay ahaansho.
aqoolid  eeg aqool³. ld aqool² (2).
aqoolnaan  eeg aqoolan. ld aqoolnaansho.
aqoolnaansho  ld aqoolnaan.
aqoolxumaan  eeg aqoolxun. ld aqoolxumaansho.
aqoolxumaansho  ld aqoolxumaan.
aqoolxumi  ld aqoolxumo.
aqoolxumo  Hab aan wanaagsanayn oo wax loo qaybiyo. ld aqoolxumi.
page : 51 of 75
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>

 

Exit mobile version