marjiid (2) Wax kala jiidid. ld maljiid².
marjiidan 1. Wax la kala jiiday oo la dheereeyey ahaansho. 2. Wax dheer oo toosan ahaansho. ld maljiidan.
marjiidid eeg marjiid². ld maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
marjiidnaan eeg marjiidan. ld maljiidnaan, maljiidnaansho, marjiidnaansho.
marjiidnaansho ld marjiidnaan.
marjin ld merjin.
marjis ld merjin.
marka eeg mar³.
markab Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada.
markable Nin maraakiib badan leh.
markasho eeg marko.
markhaanti ld markhaati.
markhaati 1. Qofka fura dhacdo uu goobjoog ka ahaa. 2. Goobjoog. ld markhaanti, marqaati.
markhaatifur (1) 1. Wax caddeeya dhacdo. 2. ld markhaatifurid.
markhaatifur (2) Qof dhacdo uu goobjoog ka ahaa sheegid.
markhaatifurid eeg markhaatifur². ld markhaatifur¹ (2).
marki Dhibaato gayeysiin (nafley).
markii eeg mar³.
Markiiba Si degdeg ah. Tusaale: Cali markiiba wuu baxay
markin eeg marki. ld markis.
markis ld markin.
marko Dhibaato la kulmid (qof).
marmaarri (1) 1. Dhaqdhaqaajinta wax meel la gelinayo aayar loo dhaqdhaqaajiyo. 2. ld marmaarriyid.
marmaarri (2) 1. Ku m.: wax meel daloosha ku khasbid. 2. Awr koron ah aad u cayilin.
marmaarriyid eeg marmaarri². ld marmaarri¹ (2).
marmar (1) 1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. ld marmarid.
marmar (2) Kolkol. ld mar¹.
marmar (3) 1. (f.g) Il wax ku dhaceen farta ku rugid. 2. (f.mg) Meel hore iyo gadaal ugu socosho.
marmarasho eeg marmaro.
marmarhays Karreysaha geela.
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>