marmar
(m.l)

1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. ld marmarid.

marmar
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)

Kolkol. ld mar¹.

marmar
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. (f.g) Il wax ku dhaceen farta ku rugid. 2. (f.mg) Meel hore iyo gadaal ugu socosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marmar

waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.

afeef [m.f.dh]
Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

biir [m.dh]
1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo ceelasha aan muddo laga cabin marmar yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano aad u dhanaan.

dayri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.

dhir-abaareed [m.dh] (-ryo ..., m.dh)
(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.

folkaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.

habso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Caaryidda ama buuxsamidda badda marmarka qaarkoodka dhaca.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

jiido [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg