darbid eeg darab³.
darbin eeg darbi². ld sarbin.
darbo1 1. Si xoog ah uu kubbad lugta loogu laado. 2. Khayaano faa'iido weyn lagu helo. ld darbad (3). darbo2 1. Darab qaadasho. 2. U d.: qof hawl isu diyaarin. darbuugad (muus.) Naaro; daf.
darbuush ld tarbuush.
dardaaran1 1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay. dardaaran2 1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid. dardaarmid eeg dardaaran².
dardaarweri U d.: qof u sheegid dareen iyo dhibaata xun oo ku soo socota.
dardaarwerin eeg dardaarweri. ld dardaarweris.
dardaarweris ld dardaarwerin.
dardar1 ld dardarid. dardar2 1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro. dardar3 Wax jiirid; jibaaxid. ld barbar², berber², derder³. dardaran1 Wax la dardaray noqosho. ld berberan¹, derderan¹. dardaran2 Wax la dardaray ahaansho. ld barbaran, berberan², derderan². dardarid eeg dardar³. ld barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
dardarmid eeg dardaran¹. ld berbermid, derdermid.
dardarnaan eeg dardaran². ld barbarnaan, barbarnaansho, berbernaan.
dardarnaansho ld dardarnaan.
dardarsamid eeg dardarsan.
dardarsan Isku d.: qof gabow, naxdiin iwm awgood, wax la garan waayey noqosho.
dardhaaf1 U gudbidda neef uu u gudbo dar kale. ld dardhaafid. dardhaaf2 1. (f.g) Neef xoola ah dar kale u gudbid. 2. (f.mg) Dar buux-dhaafid. dardhaafi Dar biyo ka badan ku shubid.
dardhaafid eeg dardhaaf². ld dardhaaf¹.
dardhaafin eeg dardhaafi. ld dardhaafis.
dardhaafis ld dardhaafin.
dardhad ld dardhasho.
page : 53 of 218
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>