qayladdiro Cid si gargaar looga helo farriin u dirasho. ld qayladdirso.
qayladdirsasho ld qayladdirasho.
qayladdirso ld qayladdiro.
qayladdoon1 Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar. qayladdoon2 Meel dhiillo ka dhacday meel kale gargaar uga doonid. qayladhaami 1. Qayladhaan ku dhufasho. 2. U q.: cid halis uga digid. ld cilladhaami.
qayladhaamin eeg qayladhaami. ld cilladhaamin, cilladhaamis, qayladhaamis.
qayladhaamis ld qayladhaamin.
qayladhaamo ld qayladhaan.
qayladhaan Dhawaaq kaalmo dalab ah oo cid loo jeediyo ama loogu digo. ld cilladhaan, qayladhaamo.
qayladhaansad ld qayladhaansasho.
qayladhaansasho eeg qayladhaanso. ld cilladhaansad, cilladhaansasho, cilladhaansi.
qayladhaansi ld qayladhaansasho.
qayladhaanso U q.: qayladhaan cid u dirasho. ld cilladhaanso.
qayladhawr Q. ah: qof ama ka badan oo diyaar u ah dhiillo laga filayo wax ka qabashadeeda.
qaylaggee U q.: cid war dhiillo leh u geyn.
qaylaggeyn eeg qaylaggee. ld qaylaggeys.
qaylaggeys 1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda qaada oo dad kale gaarsiiya. 2. ld qaylaggeyn.
qaylakeen1 1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. 2. ld qaylakeenid. qaylakeen2 Meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. qaylakeenid eeg qaylakeen². ld qaylakeen¹.
qaylaroor1 ld qaylaggeys. qaylaroor2 ld qaylaggee. qaylaroorid ld qaylaroor².
qaylarraac1 Q. ah: qof ama dad meel qaylo ka soo yeertay aada. qaylarraac2 Qof ama dad meel qaylo ka soo yeertay dedgdeg u aadid. qaylarraacid eeg qaylarraac². ld qaylarraac¹.
qayli 1. Cod dheer ku dhawaaqid. 2. Ku q.: cid canaan u jeedin. 3. U q.: cid taageerid. 4. U q.: cid u yeerid. 5. La q.: dhibaato darteed la dhawaaqid.
qaylid eeg qayil².
qaylin eeg qayli. ld qaylis.
page : 53 of 86
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>