Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
shafeec1  ld shafeeco. shafeec2  Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid. shafeecid  eeg shafeec².
shafeeco  1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. ld shafeec¹.
shafeecsad  ld shaafeecsasho.
shafeecsasho  eeg shafeecso. ld shafeecsad, shafeecsi.
shafeecsi  ld shafeecsasho.
shafeecso  Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.
shafid  eeg shaf².
shafshafayn  eeg shafshafee. ld shaf-shafo (3).
shafshafee  1. Qof ama meel dhaawac ah xayr kulul ku dhayid. 2. Qof la dhaawacay qaantiisi qayb ka mid ah siin.
shafshafo  1. (-ooyin, m.l) Cad xayr ah oo inta la kululeeyo nabar ama meel bugta lagu dhayo. 2. Hanti la siiyo qof dhaawac la gaarsiiyey. 3. ld shafshafayn.
shagcad  1. Cad. 2. Tallaabo.
shahaad1  Dadaal badan oo tacab loo galo. shahaad2  Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid. shahaadid  eeg shahaad².
shahaado  1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.
shahaadosuur  Marqaati-beenaale.
shahiid1  1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay. shahiid2  1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho. shahiidid  eeg shahiid².
shahiidnimo  Shahiid ahaansho.
shahmaad1  Amakaag. shahmaad2  Ka sh.: wax aad ula yaabid. shahmaadid  eeg shahmaad².
shahwad  ld shahwo.
shahwo  Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; mani, mino. ld shahwad.
shajaac  ld shaajac.
shajaacnimo  ld shaajacnimo.
shakaal1  1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
page : 55 of 118
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>

 

Exit mobile version