Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gurguurto
gaatan (1) 1. Socod dhukis ah oo wax lagu gaadayo (nafley). 2. ld gaatamid.
gaatan (2) Dhukin iyada oo wax la gaadayo.
gaatir 1.Haragga oogada oo adkaada, siiba kan sacabbada iyo cagaha. 2. Harag qolof adag noqday oo shafka, goroflegedka iyo cagaha geelu ku yeesho. 3. Geed-nagaaraad oo yar. ld gaatur.
gaatiroobid eeg gaatirow. ld gaaturoobid.
gaatirow Gaatir noqosho. ld gaaturow.
gaatur ld gaatir.
gaaturoobid ld gaatiroobid.
gaaturow ld gaatirow.
gaawe Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
gaaweeto Weel yar, macdan ah, dheg leh oo ciidanku wax ku shubto.
gaax 1. Caano isgaaray oo candho xoolaad ku baaqday. 2. Wixii waqtigii la soo saari jirey aan la soo saarin ee la urursho oo dib loo dhigo oo dhan.
gaaxasho eeg gaaxo.
gaaxi Candho xoolaad caano ku baajin.
gaaxin eeg gaaxi.
gaaxo Candho xoolaad caano ku baaqasho.
gaaxsad ld gaaxsasho.
gaaxsan Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
gaaxsanaan eeg gaaxsan. ld gaaxsanaansho.
gaaxsanaansho ld gaaxsanaan.
gaaxsasho eeg gaaxso. ld gaaxsad, gaaxsi.
gaaxsi ld gaaxsasho.
gaaxso Candho xoolaad caano ku baajisasho.
gaayimad Waraaqo yaryar oo gadaal isaga dheggan oo wax lagu qoro; nootbuug.
gab (1) Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.
gab (2) 1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².
gabaabsad ld gabaabsasho.
gabaabsasho eeg gabaabso. ld gabaabsad, gabaabsi.
gabaabsi ld gabaabsasho.
gabaabso Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho.
gabaaddiir 1. Meel dhibaato saameysay oo aan dad iyo duunyo ku noolayn. 2. Dhibaato weyn. ld gabaahiir, gaabahiiro.
<< < 580 581 582 583 584 585 586 587 588 589 590 > >>

 

Exit mobile version