yaxyaxid eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).
yaxyaxin eeg yaxyaxi.
yeber Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.
yed1 ld yad¹. yed2 ld yad² (3). yedid eeg yed².
yeeg Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.
yeeg-bibanji ld yeeg-bibiish.
yeeg-bibiish Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bicaddaan Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.
yeeg-bidooh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
yeegtiis Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.
yeeke ld yeeg.
yeel1 Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm. yeel2 Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm. yeel3 1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag. yeel4 Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin. yeel5 1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid. yeelaal 1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.
yeelaali Wax samayn ama hindisid.
yeelaalin eeg yeelaali.
yeelan Kab, wadaan iwm wax la sameeyey ahaansho.
yeelasho eeg yeelo.
yeele (nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
yeelid eeg yeel5.
yeelin eeg yeeli.
yeelnaan eeg yeelan. ld yeelnaansho.
page : 7 of 12
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 >