Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
ciin  Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo.
ciiq  ld ceego.
ciiqasho  eeg ciiqo².
ciiqayn  eeg ciiqee.
ciiqee  1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. ld ceeji.
ciiqo1  1. Meel ciriiri ah oo maritaankeedu dhib yahay. 2. ld ceego. ciiqo2  Nafley dhibaato la kulmid. ciiqsan  ld ceegsan.
ciiqsanaan  ld ceegsanaan.
ciiqsanaansho  ld ceegsanaan.
ciir1  1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid. ciir2  Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan. ciir3  Wax miisaankiisa dhan u iilasho. ciiraciiro  ld carceero.
ciirad  Ciil.
ciirayn  eeg ciiree.
ciiraysan  Wax ciiro qarisay ahaansho.
ciiraysasho  eeg ciirayso.
ciiraysnaan  eeg ciiraysan. ld ciiraysnaansho.
ciiraysnaansho  ld ciiraysnaan.
ciirayso  1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho.
ciirciir  1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
ciirciirid  eeg ciirciir.
ciiree  Wax ciiro u yeelid.
ciirid  eeg ciir³. ld ciir¹ (2).
ciiro1  1. Midabka ciiryaamada; wixii kaloo midabkaas yeesha (habaas badan oo dabayli kiciso, qiiq iwm). 2. Boor ay dabayl kicisay. ciiro2  (c.cimi) Cuf saxarro yaryar oo boor ah, qiiq iwm kuwaas oo qariya gibilka ilaa iyo meel u dhaw dhulka dushiisa, taas oo keenta in uu yaraado araggu ilaa iyo 2 Km. meel ka hooseysa marka laga soo cabbiro dhulka dushiisa, laakiin 1 Km. ka hoos ciiradu kama jirto. ciirsad  ld ciirsasho.
ciirsan  Wax awood yari dartii la liicay ahaansho.
ciirsanaan  eeg ciirsan. ld ciirsanaansho.
page : 69 of 95
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>

 

Exit mobile version