ciir
(m.l)

1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid.

ciir
(m.dh)

Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan.

ciir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Wax miisaankiisa dhan u iilasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciir

waaqla' [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.

agab [m.l]
1. Faa'idada iyo waxtarka ay cidi leedahay. 2. Ciirsi; miciin.

agabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid ciirsi ka dhigasho.

baalfallaar [m.dh]
Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.

baqalye [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaad ka mid ah haadda hilibcunka ah oo galleyrka u eg, lehna midab ciira ah lugahana u cas. ld baqalyo, baqaye.

baryood [m.l]
1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u dhannaan oo aan la cabbi karin.

bayrac [m.dh]
(c.nafl.) Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.

beycad [m.l]
Midab ciira boos ah oo caddaan xiggeen ah oo ay yeeshaan lo'da iyo fardaha. ld giircad.

beycas [m.l]
Midab ciira boos ah oo casaan yar ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo'da fardaha iyo riyaha. ld beyguduud.

buqbuqo [m.dh]
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. ld buqbuqood.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg