Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: iimee
halakaysnaansho ld halakaysnaan.
halakee Nafley dhaawac culus gaarsiin.
halako Dhaawac culus.
halalaati ld haalaati.
halalac (1) ld halalicid.
halalac (2) H. dheh: cod lagu muujiyo dhaldhalaal.
halalac (3) Wax dhaldhalaalid.
halalaco Cudur geedka digirta ku dhaca oo caleenta ka daadiya.
halalicid egg halalac³. ld halalac¹.
halamacood Holac.
halamash Socod kala daadsan oo si fool xun loo socdo. ld halamashle (1).
halamashle 1. ld halamash. 2. Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid. ld halamash.
halamashlee Si halamash ah u socosho.
halamashleyn eeg halamashlee.
halaq 1. Xamaaratada inta bogga ku socota sida maska, goodka iwm. 2. Nooc ka mid ah masaska. 3. Jinni.
halaqdile 1. Nooc ka mid ah shimbiraha ugaarsada. 2. Geesi, halyeey.
halaqjaflayn eeg halaqjaflee. ld halaqjaflays.
halaqjaflays ld halaqjaflayn.
halaqjaflaysad ld halaqjaflaysasho.
halaqjaflaysasho eeg halaqjaflayso. ld halaqjaflaysad, halaqjaflaysi.
halaqjaflaysi ld halaqjaflaysasho.
halaqjaflayso Saddexda goor ee wax la cuno ka hor halaqjafle cunid.
halaqjafle Cunto yar oo saddexda goor ee wax la cuno maalinta, ka hor la cuno oo cuntada lagu sugo .
halaqjaflee Halaqjafle cunid.
halaqjalaqlayn eeg halaqjalaqlee.
halaqjalaqlaysad ld halaqjalaqlaysasho.
halaqjalaqlaysasho eeg halaqjalaq-layso. ld halaqjalaqlaysad, halaqjalaq-laysi.
halaqjalaqlaysi ld halaqjalaqlaysasho.
halaqjalaqlayso Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
halaqjalaqlee Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
<< < 692 693 694 695 696 697 698 699 700 701 702 > >>

 

Exit mobile version