halas ld halase.
halase Dab korka dambas ka saaran-yahay hoosna ka nool. ld halas.
halaydh (kiim.) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
halbeeg Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg (1) Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg (2) m.l (-yo H.C., m.dh) (xis.) H.ga H.C. (Habka Caalamiga) waa hab caalamku ay wadajir ahaan isugu raaceen, loona adeegsado laamaha cilmiga. Habkani waxa uu ku salaysanyahay habka M.K.S. (mitir, kiilogaram iyo seken), waxanau beddelay habka C.G.S. (santimitir, garaam iyo seken) iyo F.B.S. (fuudh, bawnd iyo seken).
halbowle 1. Xididdaha waaweyn ee wadnaha dhiigga ka qaada oo oogada wada gaarsiiya midkood. 2. Meel ama wax muhiim ah.
halbowle-bawdeed (c.nafl.) Halbowle ka soo baxa halbowle diba-deedka misigta, wuxuuna waraabiya muruqyada bawdada.
halbowle-buufiye (c.nafl.) Halbowlaha ugu weyn ee dhiigga gaadhsiiya madaxa.
halcaamood Nooc masaska dheereeya ka mid ah oo aan wax yeello lahayn. ld mascaanood.
halcad ld halcasho.
halcasho eeg halco. ld halcad.
halci Hilib olol ku dubid.
halcin eeg halci. ld halcis.
halcis ld halcin.
halco Jir gubtay kul ka dareemid.
halcun 1. Carjawda ka soo fiiqan cunaha ragga. 2. Qof hadalka shigshiga.
haldhaa Gorayada keeda lab.
haldhac 1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.
haldhacsad ld haldhacsasho.
haldhacsasho eeg haldhacso. ld haldhacsad, haldhacsi.
haldhacsi ld haldhacsasho.
haldhacso 1. Geed miro bislaaday daadin. 2. Ka h.: xog la qari-nayey cid ka helid.
haldhaji ld dhaji.
haldhami Badar haldhan ka saarid.
haldhamin eeg haldhami. ld haldhamis.
haldhamis ld haldhamin.
haldhan Badar buunshadii laga saaray.
haldhansad ld haldhansasho.
haldhansan Badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
<< < 693 694 695 696 697 698 699 700 701 702 703 > >>