halbeeg
(m.l) (-gyo, m.dh)Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg
(m.l) (-gyo, m.dh)Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg
(H.C.)m.l (-yo H.C., m.dh) (xis.) H.ga H.C. (Habka Caalamiga) waa hab caalamku ay wadajir ahaan isugu raaceen, loona adeegsado laamaha cilmiga. Habkani waxa uu ku salaysanyahay habka M.K.S. (mitir, kiilogaram iyo seken), waxanau beddelay habka C.G.S. (santimitir, garaam iyo seken) iyo F.B.S. (fuudh, bawnd iyo seken).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halbeeg ↴
kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.
unug [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.
unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
waat [m.l] (-tyo, m.dh)
(fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).
xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
(xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin.
ambiyeer [m.l] (-ro, m.dh)
(fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.
animoomitir [m.l] (-rro, m.dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xawaaraha iyo jihada dabaysha iyada oo halbeeggu yahay intaas oo mayl saacaddiiba ama intaas oo mitir ilbiriqsigiiba.
awood-danabeed [m.dh]
(fiis.) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
bed [m.l] (-dad, m.l)
(xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).