hoo1 Siinta cid wax la siiyo. hoo2 1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado. hoo3 1. Xoolo, dad iwm habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iwm hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. ld hoy², hoyi. hoobaalayn ld hooyaalayn.
hoobaale ld hooyaale.
hoobaalee ld hooyaalee.
hoobaan Miro aad u bislaaday.
hoobad 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. ld hoobasho.
hoobal 1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.
hoobalad Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.
hoobale ld hooyaale.
hoobasho eeg hoobo. ld hoobad.
hoobeyaa Halqabsi lagu billaabo ama loo adeegsado huwaaleyda oo ah heesta carruurta lagu hurdisiiyo.
hoobi 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
hoobin eeg hoobi. ld hoobis.
hoobis ld hoobin.
hoobiye Qori boobe culus ah, lugo lagu istaajiyo leh oo xabbado badani ka dhacaan.
hoobo 1. Meel taag ah ka daaddegid. 2. Nafley le'asho.
hoobsad ld hoobsasho.
hoobsasho eeg hoobso. ld hoobsad, hoobsi.
hoobsi ld hoobsasho.
hoobsii Weel buux-dhaafay si uusan u daadan wax qof ka cabsiin.
hoobsiin eeg hoobsii. ld hoobsiis.
hoobsiis ld hoobsiin.
hoobso 1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.
hoodaar 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.
hoodaddee Qof danihiisa ka jeedin.
hoodaddeyn eeg hoodaddee.
hoodaddo Ka jeedinta qof danihiisa laga jeediyo.
hoodadee 1. Qof danihiisa ku jeedin. 2. Qof si qarsoodi ah ugu hiilin.
page : 72 of 93
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 > >>