Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: guryan
shiraysasho eeg shirayso. ld shiraysad, shiraysi.
shiraysi ld shiraysasho.
shirayso Neef shiro u qalasho.
shirbi Neef irmaan oo ido ah lisid.
shirbid eeg shirib².
shirbin eeg shirbi.
shirbo Ciyaar hees iyo sacab leh oo la tumo munaasabadaha aroosyada.
shiree Neef shiro ahaan u qalid.
shirfid eeg shirif². ld shurfid.
shiri Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
shirib (1) Cayaar raggu dheelo iyadoo warmo iyo gaashaamo la qurxiyey la sito oo taagnaan iyo socodba lagu tumo.
shirib (2) Shirib cayaarid.
shirid eeg shir².
shirif (1) Ur aan la jeclaysan oo nafleyda ka soo ura. ld shuruf¹.
shirif (2) Nafley ur xun yeelasho. ld shuruf².
shiriid Libaaxbadeed dad qaad ah oo madax dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal leh.
shirin eeg shiri. ld shiris.
shiris ld shirin.
shirix Lafo yaryar oo dhuux leh, kuna jira lugaha dadka iyo xoolaha.
shirjaraa'id Shir wargeysyada.
shirkad 1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.
shirki (1) Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
shirki (2) (iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.
shirkiyid eeg shirki².
shirko ld shirkad.
shirkoobid eeg shirkow.
shirkow Shirko noqosho.
shirmaa Goorma? ld shimaa.
shirnaan eeg shiran. ld shirnaansho.
shirnaansho ld shirnaan.
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>

 

Exit mobile version