Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
gomosh  ld gomoshaa.
gomoshaa  Geedgaab caleemo balballaaran leh iyo miro macaanoo la cuno. ld gomosh.
gondaddeg  U g.: arrin si fiican uga baarandegid.
gondaddegid  eeg gondaddeg.
gondagal1  Wax hoosta laga galo, si loo dugsado ama dhibaato loogaga gaashaansho. gondagal2  Wax hoosta ka gelid. gondagelid  eeg gondagal².
gondaqabad  ld gondaqabasho.
gondaqabasho  eeg gondaqabo. ld gondaqabad, gondaqabsad, gondaqab- sasho.
gondaqabo  1. Luga qabasho. 2. Cid aad u baryid. ld gondaqabso.
gondaqabsad  ld gondaqabasho.
gondaqabso  ld gondaqabo.
gondo  1. Cago; lugo. 2. Dhowaan; ag. 3. eeg gommod.
gondol  Wax dumin ama baabi'in.
gondolid  eeg gondol.
gonfi  Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iwm lagu qodo.
gongomi  Hoor yar oo weel salki ku haray shubid.
gongomin  eeg gongomi.
gongon  Hoor yar oo weel salkiisa ku haray; goror.
gongonsad  ld gongonsasho.
gongonsasho  eeg gongonso. ld gongonsad, gongonsi.
gongonsi  ld gongonsasho.
gongonso  Hoore yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
gonle  Gammuunka aan loogu tala gelin in fallaar la geliyo. Waa lagu toogasho bartaa; kab-genka.
goo  1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g) Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.
goob1  1. Si wadajir ah oo wax loo qabto (beer). 2. Meesha badarka lagu ururiyo marka beerta laga soo jaro. goob2  1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda. goob3  Wax baadiddoonid. goob-milixeed  (juqr.) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.
goob-waqtiyeed  (juqr.) Waqtiga bar kasta oo dhulka dushiisa ah kaasoo laga xisaabiyo booska qorraxda.
page : 75 of 102
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>

 

Exit mobile version