Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
shishlaan  ld shislaan.
shishlaansho  ld shislaan.
shislaan  eeg shilis². ld shishlaan, shishlaansho, shislaansho.
shislaansho  ld shislaan.
shitaar1  ld shataar¹. shitaar2  ld shataar². shitaarad  ld shataarad.
shitaarid  ld shataarid.
shito  Siil.
shixid  ld shaxid.
shixnad1  Xamuul doon ama markab hal mar qaado. shixnad2  Markab, doon iwm xamuul ka buuxin. shixnadan  Markab, doon iwm wax shixnad la saaray ahaansho.
shixnadid  eeg shixnad².
shixnadnaan  eeg shixnadan. ld shix-nadnaansho.
shixnadnaansho  ld shixnadnaan.
shohor  Ur xun oo labka nafleydu leeyahay oo la dhibsado; shuruf.
shoob1  1. Xarrago; mardaadi. 2. Sh. ah: neef ari ah oo leh qoobab cascas. shoob2  Cid mardaadiyid. shoobid  eeg shoob².
shood  Weel bir ka samaysan oo badarka iwm lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).
shoofanisam  Caadifad muujinayso in qofku uu si daran u aaminsan yahay in dalkiisa iyo dadkiisina ay ka muhiim san-yihiin ama ka fiicanyihiin dadyowga kale.
shoog  (daaw.) Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.
shookad  1. Bar yar, cad oo isha dhexdeeda (birteeda) ku samaysanta. 2. ld shooko (2).
shooki  Saldhig boolis.
shooko  1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. ld shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
shool  Faanid (cid).
shoolad  1. Markabka meesha qiiqu ka baxo. 2. Dhuun kasta oo dheer korna u taagan oo qiiqa kor u saarta. 3. Qalab bir ka samaysan, gaas ku shaqeeya oo wax lagu karsado.
shoolid  eeg shool.
shoolo  Meel loogu dhakado neefka (ugaar) la rabo in la khatalo; shoomo.
page : 75 of 118
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>

 

Exit mobile version