hiyi Laab; kal; qalbi; niyad.
hiyikac (1) Welwel iyo degganaan la'aan ku dhasha qof niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac¹, niyadkac¹, niyakac¹.
hiyikac (2) Welwel iyo degganaan la'aan dareemid, wax niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac², niyadkac², niyakac².
hiyikicid eeg hiyikac². ld hawakicid, niyadkicid, niyakicid.
hiyil Duud dhagax ah, is haysta oo ku dhereran xeebaha.
hiyiwaale 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. ld hirimmaale.
hobay 1. Dhul boor ah oo ay ku badantahay sarmaanta iyo qansaxa. 2. H. ah: meel cidla ciirsila'ah.
hobbobboro Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa. ld hoonbaro.
hobol ld hoobal.
hobshee Si xarrago leh u luga baxsasho.
hobsheyn eeg hobshee.
hod (1) Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.
hod (2) Qof dagid; khatalid.
hodan (1) H. ah: qof hanti badan leh. ld hodon.
hodan (2) 1. Qof hanti badan leh noqosho. 2. Wax la dagay noqosho.
hodannimo Hodan ahaansho. ld hodantinnimo, hodantooyo, hodontin-nimo.
hodanoobid eeg hodanow.
hodanow Qof hanti leh noqosho.
hodantinnimo ld hodannimo.
hodantooyo Lahaanshada hanti badan la yeesho. ld hodannimo.
hodid eeg hod².
hodmi Qof hodon ka dhigid.
hodmid eeg hodan².
hodmin eeg hodmi.
hodon ld hodan¹.
hodontinnimo ld hodannimo.
hog 1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.
hogad ld hogasho.
hogagoo Xoolo jilaal soo maray naq-horaad ku qaboobid.
hogagoyn eeg hogagoo.
<< < 740 741 742 743 744 745 746 747 748 749 750 > >>