dhaaban1 Wax meel lagu dhaabay noqosho. dhaaban2 Wax meel lagu dhaabay ahaansho. dhaabasho eeg dhaabo.
dhaabdhaab Wax, wax kale xoog ugu mudid.
dhaabdhaab dhaabid eeg dhaab².
dhaabdhaabid ee.
dhaabmid eeg dhaaban¹.
dhaabnaan eeg dhaaban². ld dhaabnaansho.
dhaabnaansho ld dhaabnaan.
dhaabo Wax meel ku mudasho.
dhaaclayn eeg dhaaclee. ld dhaalcayn, dhaclayn.
dhaaclaysan Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaaclaysnaan eeg dhaaclaysan. ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho
dhaaclaysnaansho ld dhaaclaysnaan.
dhaacle 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
dhaaclee Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.
dhaad1 Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa. dhaad2 1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag. dhaadan 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).
dhaadasho eeg dhaado.
dhaaddan Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley).
dhaaddanaan eeg dhaaddan. ld dhaaddanaansho.
dhaaddanaansho eeg dhaaddanow. ld dhaaddanaan.
dhaaddanow Wax dhaaddan noqosho (nafley).
dhaaddi Dhedo.
dhaaddin Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaaddisaar Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay.
dhaadhac1 1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹. dhaadhac2 Meel hoose u degid. dhaadhici 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin.
page : 76 of 218
<< < 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 > >>