Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gadaalabbar
hoosubbax Qof bar yar oo da'du aysan ka muuqan.
hootanuug Ilmo geel, yar, oo aan hooyadiis laga maalin.
hooto 1. Waran oo lagu dagaallamo; eebo. 2. Neef dhashiisa ma ahee dhasha kale nuugto.
hooy 1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
hooyaalayn eeg hooyaalee. ld hoobaalayn.
hooyaale Ereyo lagu luuqeeyo ama lagu heeso, si jaangooyo looga dhigo tixaha gabayga ama heesaha. ld hoobaale, hoobale.
hooyaalee Hooyaale ku luuqayn. ld hoobaalee.
hooyaay eeg hooy.
hooyannimo Hooyo ahaansho.
hooyid eeg hoo².
hooyo (1) eeg hoy.
hooyo (2) 1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey.
hor (1) 1. Had la soo dhaafay; hore ah. 2. Dhanka loo jeedo. 3. (fk) horta: marka hore, calaakullixaal.
hor (2) ld horee.
hor-imaansho eeg hor-imow.
hor-imow 1. Ka h.: qof hortiisa ka imaansho. Tus. “Xasan baa Cali jidka uga hor yimid”. 2. Ka h.: cid arrin, hadal iwm ku qilaafid.
horaad (1) 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
horaad (2) (xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
horaad (3) Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar.
horaadi Hal irmaan horaad ka marid, ama ka lisid.
horaadin eeg horaadi. ld horaadis.
horaadis ld horaadin.
horan Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
horasho eeg horo.
horatabyee ld horatibyee.
horatabyo ld horatibyo.
horatibyee 1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. ld horatabyee, horutibyee, horutubyee.
horatibyeyn eeg horatibyee. ld horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.
horatibyo Dedejinta wax la rabo in ay dhaqso u dhammaadaan la dedejiyo. ld horatabyo.
horay (1) Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore.
<< < 749 750 751 752 753 754 755 756 757 758 759 > >>

 

Exit mobile version