Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: geedamaal
horay (2) 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
horayn eeg horee. ld horid, horis, hormo, horniin.
hordeg Cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
hordegid eeg hordeg.
hordhaan Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
hordhac 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
hordhalad 1. Curad. 2. Horgal.
hordhig 1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iwm cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iwm cid u gayn.
hordhigid eeg hordhig.
hordiyuulam (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
hore Wax safan ama socda caaradkooda ku sugan; horreeya. ld horay¹.
horee 1. (f.g) Xoolo meel ku reebid. 2. (f.mg) Ka h.: xoolo meel ka reebid. ld hor².
horfiiq Qof dad hoggaa-miya.
horfiiqsad ld horfiiqsasho.
horfiiqsasho eeg horfiiqso. ld horfiiqsad.
horfiiqso Qof, garwade ka dhigasho.
horgal Meher-kaweyne.
horid ld horayn.
horin 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. ld hormo.
horis ld horayn.
horjeed Ka h.: wax, wax kale hortooda jooga ahaansho.
horjeedid eeg hoorjed.
horjoog 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
horjooge Qof koox madax u ah.
horjoogid eeg horjoog.
horjoogsad ld horjoogsasho.
horjoogsasho eeg horjoogsad. ld horjoogsad, horjoogsi.
horjoogsi ld horjoogsasho.
horjoogso Cid wax ka hor istaagid.
horjoogto Haweeney koox madax u ah.
<< < 750 751 752 753 754 755 756 757 758 759 760 > >>

 

Exit mobile version