Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maraqsan
horkabe (nax.) Lifaaq ku dhega ereyga bilowgiisa. Tus. “aqaan, taqaan, yaqaan”.
horkac (1) 1. (-cyo, m.dh) H. ah: xoolo ama dad isdabajooga oo qoodeynaya, oo mid iyaga ka mid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin. 2. ld horkicid.
horkac (2) 1. Cid hoggaamin. 2. Xoolo hor socosho si loo wado.
horkannac Nicidda la naco wax la arkay markii ugu horreysay.
horkeen (1) ld horkeenid.
horkeen (2) 1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid.
horkeenid eeg horkeen². ld horkeen¹.
horkicid eeg horkac². ld horkac¹ (2).
horleh Wax aan hore u jirin ahaansho.
hormadow ld hurmadow.
hormar (1) Koritaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan oo la gaaro. ld horummar.
hormar (2) 1. Ka soo horrayn. 2. Horay u socosho.
hormari 1. Dad horumar gaarsiin. 2. Cid safka hore gelin. 3. Lacag iwm cid hore u siin. ld hoummari.
hormarid eeg hormar².
hormarin eeg hormari. ld hormaris, horummarin.
hormaris ld hormarin.
hormarsad ld hormarsasho.
hormarsasho eeg hormarso. ld hormarsad, hormarsi.
hormarsi ld hormarsasho.
hormarso Wax hore u qadimasho.
hormayn eeg hormee.
hormee 1. Wax horin horin u qaybin. 2. Nafley hormo gelin.
hormo 1. ld Horin; ormo. 2. ld horayn.
hormoggal (xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.
hormoon (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
hormosalaad (1) Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. ld qamaan¹.
hormosalaad (2) Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. ld qamaan².
hormosalaadid eeg hormosalaad². ld qamaamid.
hormuud 1. Qof kulliyad, machad iwm madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.
hornaan eeg horan. ld hornaansho.
<< < 751 752 753 754 755 756 757 758 759 760 761 > >>

 

Exit mobile version