hornaansho ld hornaan.
hornaq (c.cimi.) Waqti xagaaga ama jiilaalka ah marka qorraxdu dul joogto barta ugu fog woqooyiga ama koonfurta badhaha.
horniin ld horayn.
horo Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
horog Midab madow oo xooluhu qaarka hore ku yeeshaan.
horor (1) H. ah: qof ama dugaag xoog wax ku qaata.
horor (2) Xoog wax ku qaadasho.
hororid eeg horor².
horraan H.kiisa, h.keeda. ld horraanti.
horraanti ld horraan.
horrad 1. H. ah: neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya. 2. ld horrasho.
horrasho eeg horro. ld horrad (2).
horrayn eeg horree.
horraysii Wax dhanka hore xijin.
horraysiin eeg horraysii.
horree Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.
horro Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.
horseed (1) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed (2) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.
horseedid eeg horseed².
horseednimo Horseed ahaansho.
hortaag Wax dhanka hore istaajin.
hortaagan Wax, wax ku hor gudban ahaansho.
hortaagid eeg hortaag.
hortaagnaan eeg hortaagan. ld hortaagnaansho.
hortaagnaansho ld hortaagnaan.
hortag (1) ld hortegid.
hortag (2) 1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid dan laga leeyahay u tegid. 2. (f.mg) Ka h.: wax agtooda ka fogaansho.
hortegid eeg hortag². ld hortag¹.
horudhalow Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
<< < 752 753 754 755 756 757 758 759 760 761 762 > >>