Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karnaan
ilaalin eeg ilaali.
ilaalo Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
ilaaq (1) ld cilaaq¹.
ilaaq (2) ld cilaaq².
ilaaqad Dalool yar.
ilaaqeen 1. Dalool aad u yar. 2. Dulka cirbadda.
ilaaqid ld cilaaqid.
ilaaqtamid ld cilaaqtamid.
ilaaqtan (1) ld cilaaqtamid.
ilaaqtan (2) ld cilaaq-tan².
ilaxir ld ilxir.
ilayn eeg ilee.
ilays Iftiin.
ilaysraac (1) 1. Fal gaar ah oo ay dhirta qaarkeed samayso marka ilays ku dhaco. 2. I. ah: waxyaabaha ilaysku soo jiito.
ilaysraac (2) Ilays aadid (wax).
ilaysraacid eeg ilaysraac².
ilbaadsad ld ilbaadsasho.
ilbaadsasho eeg ilbaadso. ld ilbaadsad, ilbaadsi.
ilbaadsi ld ilbaadsasho.
ilbaadso Qof ama wax kale dusha ka ilaalsasho si isagoo dagan loo helo.
ilbalacle ld ilgalacle.
ilbalaclee ld ilgalaclee.
ilbalacleyn ld ilgalacleyn.
ilbalacleys ld ilgalacleyn.
ilbax (1) I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.
ilbax (2) Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho.
ilbaxnimo 1. Ilbax ahaansho. 2. Heer, horumar xagga dhaqaalaha, dhaqanka iwm laga gaaro.
ilbaxsan 1. Reermagaal ahaansho. 2. Qof nolol magaalo aqoonsan, ahaansho.
ilbaxsanaan eeg ilbaxsan. ld ilbaxsanaansho.
ilbaxsanaansho ld ilbaxsanaan.
<< < 776 777 778 779 780 781 782 783 784 785 786 > >>

 

Exit mobile version