Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: makeekee
ileyso Cid il wax ku yeelid.
ilfajaas (daaw.) Cudur indhaha barariya.
ilfashaq (1) Xishood, xil, yax-yax.
ilfashaq (2) Wax sameyntooda ka khajalid.
ilfashaqid eeg ilfashaq².
ilfuur I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
ilfuurnimo Ilfuur ahaansho.
ilgaal 1. (bot.) Geed-saar caleemo ballaaran leh oo dhala miro kuuskuusan oo biseyl iyo qardaba lagu cuno. 2. (bot.) Miraha ilgaalka.
ilgal 1. Cudur geela indhaha uga dhaca oo uu la ilmeeyo, ilqod. 2. I. ah: qof firfircoon.
ilgalacle Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. ld ilbalacle.
ilgalaclee Indhaha oo la kala hayo hadba meel eegid. ld ilbaclee.
ilgalacleyn eeg ilgalaaclee. ld ilbalacleyn, ilbalacleys, ilgalacleys.
ilgalacleys ld ilgalacleyn.
ilgeeriyaad Xaalad dhimasho muujinay-sa oo qof sakaraadaya ka muuqato.
ilgey Turub lacag lagu ciyaaro oo been lagu raabico.
ilgiir (1) Qof daymo kulul.
ilgiir (2) Qof daymo kulul ku eegid.
ilgiirid 1. Daymo kulul oo wax lagu eego. 2. eeg ilgiir².
ilgoon Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan.
ilgurux Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
ilhaami Ku i.: cid ilhaan siin (Eebbe).
ilhaamid eeg ilhaan².
ilhaamin eeg ilhaami.
ilhaan (1) (dii.) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga yimid.
ilhaan (2) Wax qof maskaxdiisi ku soo dhaca oo xagga Alle uga imaansho.
ilhel Ka i.: wax la gaadayo fursad isagoo dagan u helid.
ilhelid eeg ilhel.
ilig (ilko, m.l) (c.nafl.) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
iliil Jeex yar oo tog ku darsama.
iliindi 1. Dhar gaar ah oo Banaadir laga sameeyo. 2. Waddooyin bahallaha yaryari sida quraanyada, jiraca iwm ay sameeyaan. ld aliindi.
<< < 778 779 780 781 782 783 784 785 786 787 788 > >>

 

Exit mobile version