goonnibbaar2 Wax xabbad ku ridid. ld goolibbaar². goonnibbaarid goonibbaar². ld goolibbaarid.
goonnidaaq G. ah: biciid, deero, geri iwm. oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.
goonno Googgarad gaabaan oo aan duluc lahayn oo haweenku qaataan.
goor 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
gooraamid eeg gooraan.
gooraan 1. (f.g) Wax hareerayn. 2. (f.mg) Maanso tirin.
gooriilla ld goriilla.
gooryaan Deriskunool dhuuban, dheer, cad, oo caloosha nafleyda qaarkeed ku nool.
gooryaan-miiq (c.nafl.) Deris ku nool ka tirsan qaybta la yiraahdo “nematode” wuxuu ku noolyahay qaybta sare ee xiidmaha waaweyn dhediggu (12 mm.) way ka weyntahay labka. Dabada ayuu ka soo baxaa, ukuntiisana ku daadiyaa waana dhintaa. Haddii ukumaha qof liqo way dillaacayaan. Wuxu keenaa cudur caruurta addunka oo dhan ku dhaca.
gooryaan-mulaax (c.nafl) Midkasta oo ka tirsan koox gooryaan ah oo kor dheer oo dhuuban leh, wuxuuna ku dul noolyahay xiidmaha dadka iyo lafdhabarleyda.
gooryoomid eeg gooryoon².
gooryoon1 Harraad aad u badan; asqo. gooryoon2 Nafley aad u harraadid. goos Nooc ka mid ah banaatiikhdii waayadii hore faransiisku samayn jirey.
goosaar1 ld koosaar¹. goosaar2 ld koosaar². goosaaran ld koosaaran.
goosaarasho ld koosaarasho.
goosaarid ld koosaarid.
goosaarnaan ld koosaarnaan.
goosaarnaansho ld koosaarnaan.
goosaaro ld koosaaro.
goosad 1. Koox ari ah oo lumay. 2. ld goosasho.
goosan1 1. Koox ari ah oo luntay. 2. Koox aan badnayn oo ciidan ah. goosan2 Qayb ari soofay ka mid ah lumid. goosarad Timir 25 kiilo ah oo callaal, jawaan iwm ku jirta. ld koosarad.
goosasho eeg gooso. ld goosad (2), goosi.
goosato1 1. Kasoobax weyn oo meesha uu ka soo baxo gooya. 2. Cambaarmadow. ld goosey¹, gooye. goosato2 Geed weyn oo aan qodax lahayn oo dhala miro macaan oo la cuno. ld goosey².
page : 80 of 102
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>