qurmoon (2) ld qurmuun².
qurmoonaan ld qurmuunaan.
qurmoonaansho ld qurmuunaan.
qurmuun (1) Ur xun, ur naftu kahato; wax qurun noqday waxa ka soo ura, kankama, daaca; qurun. ld qarmuun¹, qurmoon¹, qurun¹.
qurmuun (2) Ur xun yeelasho (wax). ld qarmuun¹, qurmoon¹.
qurmuunaan eeg qurmuun². ld qarmuunaan, qarmuunaansho; qurmoonaan, qurmoonaans.
qurmuunaansho ld qurmuunaan.
qurqur 1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.
qurquri Hoore si dhaqso ah u cabbdi.
qurqurin eeg qurquri. ld qurquris, qurquro (3).
qurquris ld qurqurin.
qurquro 1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.
qurqursan U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
qurqursanaan eeg qurqursan. ld qurqursanaansho.
qurqursanaansho ld qurqursanaan.
qursi 1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iwm lagu cabbiro. 2. ld qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
qurub (1) Gabal yar.
qurub (2) (nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed.
qurub (3) Wax cadcad yaryar ka dhigid.
qurub-logardam (xis.) Qaybta togan ee ka mid ah logardamka tiro ee ah jajab tobanlaha ku yaalla midigta barta tobanlaha.
qurud (1) Cudur geela dheddig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaa keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn.
qurud (2) Harag timo ka wada hoolid.
qurumo Gudin yar oo weelasha lagu qoro. ld qorimo.
qurumohuluko Qurumo masaarta u eg.
qurumoqoobley Gudin yar oo weelasha lagu qoro.
qurun (1) ld qurmuun¹.
qurun (2) Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho.
qurunsan Wax qurmay ahaansho.
qurunsanaan eeg qurunsan. ld qurunsanaansho.
qurunsanaansho ld qurunsanaan.
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>