Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hadwasho
jaq (1) ld jal¹ (1).
jaq (2) Wax nuugid.
jaqaaf 1. Kab duug ah. 2. Haashka sigaarka.
jaqaafi Si debec iyo jiljileec ku jiro u dhaqaaqid.
jaqaafin eeg jaqaafi. ld jaqaafis.
jaqaafis ld jaqaafin.
jaqaf 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalab duug ah.
jaqal Daanka dadka xaggiisa hoose. ld jiqil.
jaqaqari (bot.) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
jaqi Ilmo yar caano ka jalin. Tus. “Canuggii bay jaqisey.”
jaqid eeg jaq².
jaqin eeg jaqi. ld jaqis.
jaqis ld jaqin.
jaqle Cudur maqasha laaya.
jaqsii Wax nuujin.
jaqsiin eeg jaqsii.
jar (1) 1. Ariga intiisa cayillan ee laga ganacsado. 2. Roobka j. ah: roobka ugu horreeya guga. 3. (-rar, m.l) Qarka gawgiisa.
jar (2) Ciyaar fadhiga lagu dheelo sida shaxda iwm. ld jare (3).
jar (3) 1. Wax goyn. 2. Ciyaar turub haad la degey midkii lagu booleeyey ku qabasho.
jar-iskatuur ld jar-iskaxoor.
jar-iskatuurnimo ld jar-iskaxoor-nimo.
jar-iskaxoor J. ah: qof khatar isku dhextuura, oo aan ka fekerin cawaaqibka dambe. ld jar-iskatuur.
jar-iskaxoornimo Jar-iskaxoor ahaan-sho. ld jar-iskatuurnimo, qar-iskatuur-nimo, qar-iskaxoorni.
jaraa'id eeg jariidad.
jarabbar (1) Qaabka loo leyliyo fardo iwm.
jarabbar (2) Fardo iwm laylin.
jarabbaran Wax la layliyey ahaansho.
jarabbarid eeg jarabbar².
jarabbarnaan eeg jarabban. ld jarabbarnaansho.
jarabbarnaansho ld jarabbarnaan.
<< < 824 825 826 827 828 829 830 831 832 833 834 > >>

 

Exit mobile version