Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
jiitan (2) 1. Arrin wax ka qabashadeed muddo dheer qaadasho. 2. Wax meel lagu jiidey raad ku reebid.
jiitin 1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.
jijin Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. ld jinjin.
jikaar (1) 1. Muran lagu diido xaqiiqo jirta; asaraar; canaad. 2. (-rro, m.dh) Baratan huuriyo lagu tartamo.
jikaar (2) 1. Xaqiiq jirta ka murmid. 2. Ku j.: Qof inuu wax sameeyo ku khasbid.
jikaarid eeg jikaar².
jikaartamid eeg jikaartan². ld jikaartan¹ (2).
jikaartan (1) 1. Murmidda xaqiiq jirta laga murmo. 2. ld jikaartamid.
jikaartan (2) Xaqiiq jirta ka murmid.
jiko 1. Qolka cunnada lagu kariyo. 2. Dumarka ka tirsan gaboo-leyda.
jil (1) 1. Daliigo suun ah oo dhigaha lagu maro. 2. Qayb, miilo. 3. Lo'bulsho ah. 4. Jurmi nafley. 5. ld jilid.
jil (2) 1. Wadaaddo ama ardo quraan, muddo quudin. 2. Muuqaal iyo fal ahaan wax isaga dhigid. 3. (riw.) Cid dhaajin.
jilaa (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iwm. ld jile.
jilacsan ld jilicsan.
jilacsanaan ld jilicsanaan.
jilacsanaansho ld jilicsanaan.
jilan Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
jilay Dheri jajabay jabkiis.
jilayn eeg jilee. ld jilays.
jilays ld jilayn.
jilaysad ld jilaysasho.
jilaysan (1) Wadaan wax aad u buuxa noqosho.
jilaysan (2) Wadaan iwm wax aad u buuxa ahaansho.
jilaysasho eeg jilayso. ld jilaysad, jilaysi.
jilaysi ld jilaysasho.
jilaysmid eeg jilaysan¹.
jilaysnaan eeg jilaysan². ld jilays-naansho.
jilaysnaansho ld jilaysnaan.
jilayso Wadaan biyo ka buuxsasho.
jilbad Siyaakhad qalin ka samaysan oo haweenku qoorta ku xirtaan.
<< < 842 843 844 845 846 847 848 849 850 851 852 > >>

 

Exit mobile version