Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhacaamid  eeg dhacaan³. ld dheecamid.
dhacaan1  Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹. dhacaan2  (baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo. dhacaan3  Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan². dhacaan-ganaceed  (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
dhacadiid1  Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid. dhacadiid2  Qof dhabar u seexasho. ld dhacdiid². dhacadiidid  eeg dacadiid². ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.
dhacadiidsad  ld dhacadiidsasho.
dhacadiidsasho  eeg dhacadiidso. ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad.
dhacadiidsi  ld dhacadiidsasho.
dhacadiidso  Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.
dhacamaggal  ld dhacmaggal.
dhacami  ld dhacmi.
dhacamin  ld dhacmin.
dhacamis  ld dhacmin.
dhacan1  Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin. dhacan2  La dhacay; xoolihii laga qaaday. dhacan3  Qof la dhacay ahaansho. dhacar  1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
dhacarad  ld dhacarasho.
dhacarasho  eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.
dhacarato  Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.
dhacari  Xoolo meel dhacar leh soofin.
dhacarin  eeg dhacari. ld dhacaris.
dhacaris  ld dhacarin.
dhacaro  Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.
dhacarsad  ld dhacarasho.
dhacarsasho  ld dhacarasho.
dhacarsato  ld dhacarato.
page : 86 of 218
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>

 

Exit mobile version