Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
gudban2  1. Wax babac u yaal ahaansho. 2. Ku g.: wax, wax kale ku aaddan ahaansho. gudbanaan  eeg gudban. ld gudbanaansho.
gudbanaansho  ld gudbanaan.
gudbe1  Qof tartan ama imtixaan ku guuleystay. gudbe2  (nax.) G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tus. “Cali baa aqalkii dhisay”. gudbi  G./ug.: wax, wax kale dhaafin.
gudbid  eeg gudub². ld gudub¹ (3).
gudbin  eeg gudbi. ld gudbis (3).
gudbin-firfircoon  (baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.
gudbin-gudbiye-milme  (kiim.) Isbedelka kiimikaad ee ka dhasha saldanab danabeed oo la dhexmariyey hoorar gudbiye ah (gudbiye-milmeyaal).
gudbis  1. Meydhaan. 2. Nooc legdinta ka mid ah oo qofka xagga dambe la isu dhaafiyo. 3. ld gudbin.
gudbitaan-danabeed  (fiis.) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.
gudbitaan-kul  (fiis.) Cabbirka kartida ay walaxi ku gudbiso kul.
gudbiye  (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
gudboon  1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tus. “Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa g.yihiin.”
gudboonaan  eeg gudboon. ld gudboonaansho.
gudboonaansho  ld gudboonaan.
gudcur  1. Iftiin la'aan; mugdi. 2. Bisha dayaxa lagu tiriyo qaybteeda dambe; mugdi.
gudcuri  Gudcur ka dhigid.
gudcurin  eeg gudcuri. ld gudcuris.
gudcuris  ld gudcurin.
guddi  1. Dad loo xilsaaray inay ka arrimiyaan xaajo doodi ka taagantahay. 2. Dad loo xilsaaray inay socodsiiyaan maamul dawladeed, shirkadeed iwm.
guddoomi  Guddoon ridid.
guddoomid  eeg guddoon².
guddoomin  eeg guddoomi. ld guddoomis.
guddoomis  ld guddoomin.
guddoomiye  Nin madax u ah guddi. ld guddoonshe.
guddoon1  1. Go'aan. 2. Maamul guddoomiye madax ka yahay. guddoon2  1. Wax aqbalid. 2. Wax qaadasho. guddoonsad  ld guddoonsasho.
page : 86 of 102
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>

 

Exit mobile version